“Wakhtigu isagaa ah nolosha”, “garaaca wadnahaagu wuxuu ku leeyahay, noloshu waa daqiiqadu iyo sekeno”, “qofka wax kala garanayaa, waa qofka wakhtigiisa ka faa’iidaysta”, “wakhtigu waa sida seefta, haddaad jari waydo isagaa ku jaraya”, “nin yaraan ku loofaray, wuxuu lumiyay raacdeeye”.
Xikmadahaas iyo kuwa kale oo badanba waxaa ku tibaaxay dadkii xikmadda lahaa ee ama iyagu wakhtigooda uga faa’iidaydeeyay sida ugu haboon amaba cid kula talinayay inay wakhtigooda ka midho dhaliyaan, isla markaana dhaxalkoodu hadhay ilaa maalinta aduunyada la rogayo. Nin aad u cilmi badnaa ayaa yidhi “ma habeen oo dhan baan soo jeedayaa anigoo cilmi wada, adna waxaad waabariisanaysaa adigoo hurda, markaasaad hadana doonaysaa inaad is soo gaadho”.
Wuxuu iska reebayaa kuwa aan wakhtigooda ka faa’iidaysan, laakiin wuxuu la hadlayaa qaar sida ka muuqata hadalkiisa maalintii dadaalay, laakiin habeenkii seexday, markaasuu leeyahay anigu habeen iyo maalinba waan isku daray.
Qaamuuska Oxform ee erey-bixinta ganacsigu wuxuu ku qeexay “waa hanaan sahlaya in wakhtiga loogu isticmaalo intii suuro gal ah sida ugu wakhku-oolsan, gaar ahaan shaqada.”
Qaasuuska erey-bixinta ganacsiga ee uu qoray J.H. Adam wuxuu ku qeexayaa maamulka wakhtiga sida tan soo socota:
“Waa inuu qofku maamulo wakhtigiisa si uu u hagaajiyo waxku-oolnimada iyo waxsoosaarka wakhtiga.”
Isku soo ururiyoo Maamulka Wakhtigu “waa in laga faa’iidayso wakhtiga aad markaa joogto, ka soo socdana qorshe wanaagsan aad u dajiso, isla markaana ay kaa qo’naato fulinta qorshayaashaada adiga oon dib u dhigid samaynaheen.”
Baadhis aan waa hore sameeyay oo ku saabsan maamulka wakhtiga ayaan ka qoray buug yar oo aanan daabacin. Qaybtan waxaan ka soo min-guuriyay buugaas, taas oo ah lix qodob oo kaa caawinaya inaad wakhtigaaga maamusho si waxtar leh. Aan mid mid u eegno tiiyoo aynaan ku tiigaalahayn:
Hadaf, himilo ama ujeedo waa waxa aad hiigsanayso gaadhistiisa. Tusaale ahaan buug 300 oo xaashiyood ah inaad ku akhrido hal wiil waa hadaf. Haddii uu kuu cad yahay buuga aad akhriyayso, inta bog ee uu yahay, wakhtiga aad ku dhamaynayso, iyo waxaa aad ka faa’iidayso, waxaad haysaa dariiq toosan oo kuu sahlaya inaad gaadho hadaf ah inaad aqoon korodhsato.
Si aad u gaadho hadafkaaga, waxaad u baahan tahay inaad qorshe fiican oo macquula la timaado. Waxaad is-waydiinaysaa su’aalo badan waxaanad isku dayaysaa inaad jawaab ku shaafida u hesho.
Su’aalahaas waxaa ka mida:
Jawaabaha su’aalahaasi waxay kugu hagayaan inaad hesho dariiq cad oo aad u marto xaqiijinta hadafkaaga.
Mudnaanta marka la kala siinayo hawlaha aad qabanayso waxa la eegaa laba arimood: muhiimada arinkaasi leeyahay iyo degdeg in loogu baahan yahay iyo in kale. Haddii arinku muhim yahay laakiin uu ku sugi karo, waxaad ka horaysiinaysaa arin laga muhiimsan yahay oo aan ku sugi karin ama wakhtigeedu dhacayo.
“Dhib-udhigistu waa tuuga wakhtiga” iyo “arin aad maanta samayn karto haw dhigin berito” waa xikmado hore oo laga yidhi dib-u-dhigista. Qabo, samee, dheh, qor, akhri ama yeel wax kasta oo aad qaban karto marka ugu haboon ee uu taagan yahay, haddii kale waxaa isu kaa dul fuuli shaqadii maanta, tii shalay, tii doraad iyo kuwa kaleba.
Haddaad isku dul furto laba, sadex ama in ka badan oo arimo ah, waxaa xaqiiqo ah inaanad midna si tayo leh u samaynahayn. Mar kasta isku day inaad hal shay dhamayso, deedna bilaw mid kale.
Dadku waa sadex marka cidi damacdo inay wakhtiga ka lumiso:
Waxaa lagaa rabaa in aad barato odhaahda “maya” adigoo qadarinaya qofka kale. Markaasaad noqonaysaa dhexdhexaad.
“Ardaygaan dadaalini mar buu dibinta ruugaaye, Wakhtigii uu daayacay ayuu dib u xasuustaaye”.
– Muuse Cali Faruur
Waa hubaal in qofkii wakhtigiisa dayacaa uu qoomamo iyo ciil ku dambayn doono. Habada maxaa wakhtiga lumiya? Wakhti-lumiyayaashu waxay u kala baxaan laba: wax ay keento bii’adda kugu xeerani iyo wax aad adigu keento. Kuu doonaba ha ahaadee mid waliba wakhtigaaga ayuu luminayaa, waxaana loo baahan yahay in laga gaashaanto. Aan sheego kuwa aan is idhi way ugu lumin badan yihiin:
Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi “Laba nimco dadka intooda badani way moogan yihiin: firaaqada iyo caafimaadka.” – Bukhaari
Wakhtigu waa waxa ugu qaalisan ee qofka banii aadamka ahi haysto, waana waxaa qudha een tagistiisa la soo celin karin. Sidaa daraadeed qofka waxaa ku waajib ah inuu ka faa’iideeyo fursadda iyo ayaamaha yare e tirsan ee la nool yahay. Imaamu Shaafici baa yidhi “suufiyada waxaan ka faa’iiday qofka caqliga lihi waa qofka la nool wakhtigiisa ama ka faa’iidaysta wakhtiga uu markaas joogo.”
Nasteexada aan inoo jeedinayaa waxa weeye “aan wakhtiga dhowrno, aan ka faa’iidaysano, aan ka midho dhalino, si aynu nafaheena iyo umadeenaba u qaadhsiino horumar ugana jawaabno su’aasha uu Ilaahay maalinta qiyaamaha ina waydiin doono ee ah ‘maxaad wakhtigaagii ku qaadatay’ iyo ‘maxaad dhalinyaranimadaadii ku gaboojisay’. Ilaah haynaga dhigo kuwii jawaabtaas ku guulaysta.”